RASMI: Barcelona oo gacanta ku dhigtay Jeison Murillo

(Spain) 20 Dis 2018. Kooxda Barcelona ayaa gacanta ku soo dhigtay Daafaca reer Colombia ee kooxda Valencia Jeison Murillo.

Camaaliqada reer Spain ayaa heshiis amaah ah kula soo wareegtay Murillo kaa oo leh dooq ay si toos ah ugu iibsan karto marka uu dhammaado xagaaga 25-milyan oo euro.

Barca ayaa talaabadan qaaday maadaama uu dhaawacan yahay daafacooda birta ah ee Samuel Umtiti.

Murillo ayaa Valencia markii hore ugu yimid heshiis amaah ah uu uga soo tagay Inter Milan balse waxaa raacsanaa heshiiska shuruud qasab ah inay kula wareegto 13 milayn oo euro oo ay markii dambe ku iibsatay.

Jeison Murillo.

Inkastuu daafaca reer Colombia wacdaro dhigay bilooyinkii ugu horreeyay ee La Liga ayaa misane wuxuu saddex bilood ku maqnaa dhibaato dhanka mindhiciraha caloosha ah.

Wixii intaa ka dambeeyay Murillo ayaa ciyaaray saddex kulan oo qura xagaagan, Juventus, Celta iyo Ebro, Valencia ayaana daafaca u doorbideysay Garay, Paulista iyo Diakhaby.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close