Neymar oo ka hadlay isbadalka ku yimid Man United, kahor kulanka ay ku wada ciyaari doonaan Champions League

(PSG) 20 Dis 2018. Xidiga Paris St Germain Neymar Jr ayaa u arka in kooxdiisa ay wajihi doonto loolan cusub ee ku aadan kulanka ay Manchester United ku wada ciyaari doonaan Champions League, kadib markii Jose Mourinho uu ka tagay tababarka Red Devils.

Neymar ayaa wareysi uu ku bixiyay wageyska “Mirror” ee dalka England wuxuu kaga hadlay kulanka soo aadan ay wajihi doonaan Manchester United wuxuuna yiri:

“Waan ognahay tayada ay leedahay Manchester United, waxaana ognahay inay heystaan xidigo leh maskax guuleed”.

“Waxaa la badalay macalinka, waxaa jiri doona qorsho ciyaareed ka duwan sidii hore, waxaan wada ciyaari doonaa laba kulan u dhexeyn doona laba kooxood waaweyn”.

“Waan ku faraxsanahay inaan la ciyaaro Manchester United, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan wajaho”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close