Tottenham oo ka aargudatay Arsenal isla markaana ka ciribtirtay tartanka Carabao Cup, halka uu Hazard lugtiisa Seme-Final ka ugu soo saaray Chelsea…+SAWIRRO

(London) 19 Dis 2018. Tottenaham ayaa ka aargudatay Arsenal kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0 isla markaana ay ka ciribtirtay tartanka Carabao Cup halka uu Eden Hazard uu Semi-final ka lugtiisa ugu soo saaray Chelsea.

Qeybtii hore ee kulanka Gunners iyo Spurs ee Sideed Dhammaadka Carabao Cup ayaa lagu kala nastay 1-0.

Son Heung-min.ayaa hogaanka u dhiibtay Tottenham kaddib markii uu shabaqa ku hubsaday baas cajiib ah uu ka helay saaxiibkii Dele Alli daqiiqadii 20-aad.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta, Alli oo dhiibay goolkii hore ayaa markaan shabaqa gaaray kaddib markii uu dhammeystiray caawin uu ka helay Kabtan Harry Kane.

Dhanka kale Chelsea ayaa u soo gudbtay Semi Final ka Carabao Cup kaddib markii ay ku adkaadeen gool caato ah uu u dhaliyay xiddigooda Eden Hazard.

Qeybtii hore ee kulanka Blues iyo AFC Bournemouth ayaa lagu kala nastay 0-0.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee dheesha waliba uu kulanka gabo gabo ku sii socdo, Eden Hazard ayaa shabaqa gaaray daqiiqadii 84-aad kubbad ay baasas is dhaafsadeen Pedro balse ugu dambeyn qof ku sii dhacday.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close