SADDEXLEYDII uu Caawa Bale u dhaliyay Real Madrid oo Micno badan sameysay

(Abu Dhabi) 19 Dis 2018. Real Madrid ayaa 3-1 uga adkaatay kooxda reer Japan ee Kashima Antlers Wareega Afar dhammaadka Koobka Kooxaha Adduunka.

Saddexda Gool ee Los Blancos waxaa caawa u wada saxiixay Gareth Bale taa oo micno badan sameysay.

Wuxuu noqday laacibka saddexaad ee ebid taariikhda FIFA Club World Cup dhaliya goolasha loo yaqaano hat-trick kaddib Cristiano Ronaldo iyo Luis Suarez.

Sidoo kale laacibka reer Wales ayaa noqday laacibka saddexaad oo goola ka dhaliya saddex Nuqul oo kala duwan koobka kooxaha adduunka kaddib Ronaldo iyo Messi.

Saddexleydii Bale ee caawa ayaa sidoo kale ka dhigan inuu dhaliyay goolashiisii Lixaad ee koobka Kooxaha Adduunka.

Real Madrid ayaa Finalka Club World Cup sabtida la ciyaari doonta kooxda Carbeed ee Al Ain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close