Real Madrid oo iska xaadirisay finalka Club World Cup, kadib markii ay guul muhiim ah ka gaartay kooxda Kashima Antlers + SAWIRO

(Abu Dhabi) 19 Dis 2018. Kooxda Real Madrid ayaa waxay caawa guul muhiim ah kaga gaartay kulanka afar dhammaadka Club World Cup kooxda reer Japan ee Kashima Antlers, kadib markii ay ku xasuuqday 3-1.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda boqortooyada ee Real Madrid.

Gareth Bale ayaa ku dhawaad dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 44-aad wuxuu hogaanka u dhiibay kooxdiisa Real Madrid ciyaarta ayaana noqotay 1-0.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay Real Madrid ayaa hogaanka sii dheereysatay, waxaana markale daqiiqadii 53-aad ciyaarta ka dhigay 2-0  Gareth Bale.

Ciyaarta ayaa noqotay weerar iyo weerar celis iyadoo kooxda reer Japan ee Kashima Antlers ay dadaal xoogan ku bixisay sida ay dib ciyaarta ugu soo laaban lahayd.

Laakiin Gareth Bale ayaa markale niyad jab weyn ku riday kooxda reer Japan ee Kashima Antlers kadib markii uu daqiiqadii 55-aad ciyaarta ka dhigay 3-0.

Balse kooxda Kashima Antlers ayaa ciyaarta ka dhigtay 3-1 daqiiqadii 78-aad, waxaana goolkan u dhaliyay laacibkooda Shoma Doi.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-1 ay guusha ku raacday kooxda reer Spain ee Real Madid oo dooneysa in markii saddexaad xiriir ah ay difaacato tartanka Club World Cup, waxayna kulanka kama dambeysata ah kuwada ciyaari doonaan kooxda Al Ain oo iyada kasoo gudubtay River Plate.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close