Ozil oo Xitaa Keydka laga waayay kulanka wayn ay Caawa Arsenal la yeelaneyso Tottenham….(Tababare Emery oo Xaqiijiay inuusan Dhaawac qabin laacibka balse…)

(London) 19 Dis 2018. Mesut Ozil ayaa xitaa keydka laga waayay ciyaarta kulul ee iminka dhex mareysa kooxaha Arsenal iyo Tottenham sideed dhammaadka tartanka Carabao Cup.

Tababaraha Cusub ee Arsenal Emery ayaa sida muuqata la dhacsanayn qaab ciyaareedka caajiska ku laran ee kubbad qaabeeyaha reer Germany taa oo keentay inuu kulamo badan keydka u dhaa dhiciyo.

Ozil oo dhaawac ka soo laabtay goor dhow ayaa badel ku yimid oo 20-daqiiqo oo qura dheeshii ay Gunners guul darrada 3-2 horyaalka Premier League kala kulantay Southampton, waxaa kaloo lagu soo bilaabay ciyaartii Europe League ay Arsenal guusha ka gaartay Qarabag

Yeelkeede, kulanka caawa ee Tottenaham ayaa xitaa keydka la soo dhigi waayay Ozil.

Mar tababare Emery la waydiiyay Sababta uu gabi ahaan uga soo tagay Ozil ayuu ku jawaabay:

“Waa uun go’aan farsamo”.

Waxaa macalinka markale la waydiiyay su’aal ahayd miyuusan u qalmin inuu ciyaaro kulan sidan oo kale ah ayuu ku celiyay isla jawaabtii:

“Go’aan Farsamo uun.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close