Madaxweynaha kooxda Napoli oo si lama filaan ah kaga hadlay codsi kaga yimid Mourinho, kahor inta aan laga ceyrinin Man United

(Manchester) 19 Dis 2018. Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hal arin uu ka codsaday macalinkii hore ee kooxda Manchester United Jose Mourinho, ka hor inta aan laga ceyrinin shaqada.

Aurelio De Laurentiis ayaa xaqiijiyay in maamulka kooxda Napoli ay iska diideen dalab rasmi ah ee kaga yimid Manchester United si ay u helaan saxiixa difaaca Senegal Kalidou Koulibaly, kahor saacado inta aanan Jose Mourinho la ceyrinin

Madaxweynaha kooxda Napoli ayaa weysi uu dhawaantan bixiyay kaga faalooday arintan wuxuuna ugu horeyntii yiri:

“Mourinho waxa uu dooayay inuu la saxiixdo Kalidou Koulibaly, Manchester United waxay soo gudbisay dalab rasmi ah ee gaarsiisan 95 milyan ginni, balse si deg deg ah ayaan u diidnay dalabka ka yimid”.

Si kastaba Manchester United ayaa shaacisay shalay oo Talaado ah in ay shaqada ka ceyrisay tababaraha reer Portugal Jose Mourinho, kadib natiijo xumida soo wajahday kooxda xili ciyaareedkan.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close