“Ma Filayn waxaan oo dhan, Riyadeydu waxay ahayd oo qura inaan….”.- Lionel Messi

(Spain) 19 Dis 2018. Lionel Messi ayaa shalay la guddoonsiiyay abaal marinta Kobta Dahabka ee Weeraryahanka ugu goolasha badan Yurub kaddib 34-gool uu Xagaagii tagay ku qaaday La Liga.

Wuxuu noqday laacibkii ugu horreeyay oo shan jeer ku guuleystay Golden Boot oo wuxuu far dheeraaday Cristiano Ronaldo oo 4-jeer qaaday.

Messi oo sidoo kale ku guuleystay 5-jeer abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or ayaa mar uu ka hadlayay dareenkiisa ka dhawaajiyay inuusan weligii filayn inuu waxaan oo dhan ku guuleysan doono isla markaana ay riyadiisu ahayd inuu noqdo uun xirfadle kubbada cagta ah.

“Markii aan ciyaaraha bilaabayay ma fileyn inaan waxaan oo dhan ku guuleysan doono,” Messi ayaa sidaa yiri.

“Riyadeydu waxay ahayd uun inaan noqdo xirfadle kubbada cagta ah, inaan awoodo inaan guul ka gaaro kubbada cagta.”.

Messi ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay inuu joogo kooxda ugu fiican kubbada cagta adduunka taa oo sahal uga dhigtay inuu ku guuleysto abaal marinadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close