“Ma doonayo inaan wajaho Juventus ama Borussia Dortmund” – Jürgen Klopp

(Liverpool) 19 Dis 2018. Macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu ku beegmo Juventus ama Borussia Dortmund inta lagu jiro tartanka Champions League.

Isku aadka dhawaan la sameeyay ee wareega 16-ka tartanka Champions League ayay kooxda Liverpool kaga beegantay dhigeeda reer Germany ee Bayern Munich.

Macalinka Reds ee Jürgen Klopp ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay:

“Waxaa jira laba kooxood oo aanan marnaba dooneynin inaan ku wajaho tartanka Champions League, Borussia Dortmund oo aan wali xiriir fiican la leeyahay iyo Juventus”.

“Juventus waa musharaxda ugu weyn ee tartanka Champions League, waxay heystaan koox khibrad weyn leh, waxaan ku qanacsanahay in difaacyadooda aysan dooneynin inay seegaan fursadii ugu dambeysay, si ay koobkan kaga dajiyaan magaalada Torino”.

Si kastaba waxaa xusid mudan in kooxda Juventus  ay ku wajihi doonto wareega 16-ka Champions League dhigeeda Atletico Madrid, halka Borussia Dortmund ay sidoo kale fooda dari doonto Tottenham Hotspur.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close