Kaddib Guushii Caawa, Real Madrid waa BOQORKA Koobka Kooxaha Adduunka….(Sidee??)

(Madrid) 19 Dis 2018. Real Madrid ayaa noqotay Boqorka Koobka Kooxaha Adduunka Kaddib guushii ay caawa ka gaartay Kashima Antlers Semi-Final ka tartanka.

Los Blancos ayaa ku adkaatay Saddex gool uu wada dhaliyay Gareth Bale, waxayna guushooda ka dhigan tahay inay u soo gudbeen Final ka Club World Cup markii 9-aad, waana kooxdii ugu horreysay ee sidaa sameysa oo ebid horey uma dhicin midaa.

Real Madrid ayaa sidoo kale fursad u heysata inay sameyso Rikoodh kale oo gaar u ah waa haddii ay Final ka ku garaacdo kooxda Al Ain oo inta badanba la saadaalinayo inay ka adkaan doonto.

Kooxda reer Spain ayaa markii saddexaad oo xiriir ah caawa isa soo taagtay Final ka Koobka Kooxaha adduunka, haddii ay ku guuleysatana waxay noqon doontaa kooxdii ugu horeysay oo saddex jeer oo xiriir ah koobka ku guuleysata.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close