Ciyaartoyda kooxda Real Madrid oo ku kala qeybsamay sababa la xriira Jose Mourinho

(Real Madrid) 19 Dis 2018. Wargeyska “Don Balón” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in qolka labiska kooxda Real Madrid loo kala qeybsamay laba qeybood, sababa la xriira imaatinka Jose Mourinho si uu u noqdo badalka Santiago Solari ee xilli ciyaareedka soo socda.

Sida laga soo xigtay wargeyska reer Spain ciyaartoyda waaweyn ee Real Madrid ayaan dooneynin imaatinka Jose Mourinho, waxaana ka mid ah Ramos, Courtois, Nacho, Marcelo, Modric, Carvajal, Lucas Vasquez, Casemiro iyo Benzema.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in dhamaan ciyaartoydan ay diyaar u yihiin in macalin kasta ee kale uu yimaado Santiago Bernabeu, si uu u noqdo badalka Santiago Solari ee kooxda Real Madrid, marka laga reebo Jose Mourinho.

Dhinaca kale xidigo ay ka mid yihiin Raphael Varane, Keylor Navas, Toni Kroos ayaa waxay dhamaantood wada doonayaan in markale uu Jose Mourinho dib ugu soo laabto garoonka Santiago Bernabeu si uu u hogaamiyo Real Madrid, sababa la xiriira xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya.

Si kastaba kooxda Real Madrid ayaa waxay caawa kula ciyaari doontaa kulanka afar dhammaadka Club World Cup kooxda reer Japan ee Kashima Antlers, waxayna Los Blancos dooneysaa inay difaacato markii saddexaad ee xiriir ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close