Bale iyo Benzema oo Caawa ka maqnaan kara Real Madrid Semi-Final ka Koobka Kooxaha Adduunka……(Yaa Final ka ku sugaya??)

(Abu Dhabi) 19 Dis 2018. Gareth Bale iyo Karim Benzema ayaa dhaawacyo uga maqnaan kara Real Madrid kulanka afar dhammaadka Club World Cup ay ku wajahayaan kooxda reer Japan ee Kashima Antlers.

Real Madrid ayaa maanka ku heysa inay markii saddexaad oo xiriir ah ku guuleysato koobka Kooxaha Adduunka.

2016-dii ayay qaaday kaddib markii ay Final ka ku garaacday isla kooxda ay caawa la ciyaareyso ee Kashima Antlers, sidoo kale waxay qaaday sanadkii tagay kaddib markii ay Final ka uga adkaatay kooxda reer Brazil ee Gremio.

Haddii ay Real Madrid caawa ka soo gudubto kooxda Kashima sida la saadaalinayo waxaa Final ka ku sugaya kooxda Al Ain oo iyadu si lama filaan ah shalay uga soo adkaatay River Plate afar dhammaadka tartanka.

Ciyaarta ayaa waqtigii loogu tala galay ku soo idlaatay 2-2, balse  kooxda Carbeed ee marti galineysa Club World Cup ee Al Ain ayaa rigoorayaal 5-4 ku suul daartay kooxda reer Argentina.

Haddaba Final ka ayaa la ciyaari doonaa Sabtida soo socota iyadoona lagu ciyaari doono gegada Zayed Sports City Stadium.

Ciyaarta caawa ee Real Madrid iyo Kashima Antlers ayaa dhankeena laga daawan doonaa marka ay saacada tilmaameyso 7:30 Fiidnimo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close