Yaa Qabanaya xilka Manchester United, imise ayuuse qaadanayaa Macalinka la CEYRIYAY ee Jose Mourinho??

(Manchester) 18 Dis 2018. Manchester United ayaa albaabka u tilmaamtay Jose Mourinho kaddib guul daradii foosha xumeyd ay kala kulmeyn kooxda ay sida wayn u coltamaan ee Liverpool.

Warbixin ay Red Devils soo dhigtay baraha Bulshada ayaa lagu caddeeyay in Jose uu kooxda ka tagay iyagoona guul u rajeeyay mustaqbalka.

Sidoo kale kooxda ayaa ku sheegtay bayaankeeda in macalin ku meel gaar ah uu xilka sii qaban doono ilaa dhammaadka kal ciyaareedkan, ilaa kooxda loo magacaabayo macalin si rasmi ah xilka u qabta.

Tababare ku xigeenka Mourinho isla markaana ah rugcadaa kooxda soo maray ee Michael Carrick ayay u badan tahay inuu si ku meel gaar ah u sii qaban doono xilka Manchester United ilaa dhammaadka kal ciyaareedkan.

Picha inayohusiana

Halka Zinedine Zidane iyo macalinka Tottenham Mauricio Pochettino ay yihiin macalimiinta u sharaxan inay si buuxda ula wareegaan xilka Old Trafford.

Macalinka laga ceyriyay shaqada Red Devils ee fadhisa kaalinta 6-aad ayaa lagu wadaa inuu jeebka ku shubto adduun dhan 22.5-milyan oo bound maadaama ay kooxdu wali ciyaareyso tartanka Champions League.

Mourinho ayaa la soo sawiray isagoo ka soo baxaya xerada tababarka ee Carrington, daqiiqado yar kaddib markii xilka laga Xayuubiyay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close