Wax ka ogoow magacyada tababareyaasha u sharaxan badalka Jose Mourinho

(Manchester) 18 Dis 2018 Manchester United ayaa qaadatay go’aan culus kadib markii ay kooxda ka cayrisay tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho.

Maamulka Man United kama labalabayn cayrinta Mourinho kadib guul daradii ka soo gaartay Liverpool axadii markaas oo looga adkaaday 3-1.

47-sano kadib waa markii ugu horaysay ee Manchester United ay 19-dhibic u jirsato hogaanka Premier League marka la marayo isbuuca 17-aad ee horyaalka ingiriiska.

Hadaba shabakada Goal ayaa soo bandhigtay magacyada dhawr tababare oo buuxin kara booskii uu baneeyay Jose Mourinho.

Tababareyaashaas waxaa kamid ah Zinedine Zidane oo koox la’aan ah, Mauricio Pochettino oo layliya Tottenham, Antonio Conte oo koox la’aan ah, Massimiliano Allegri oo layliya Juventus, Ryan Giggs oo layliya xulka qaranka Wales iyo Leonardo Jardim oo koox la’aan ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close