Paul Pogba oo durba ka fal celiyay CAYRINTA Jose Mourinho!!

(Manchester) 18 Dis 2018 Xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa durbadiiba ka falceliyay cayrinta tababarihii Manchester United ee Jose Mourinho.

Wax ka yar saacad ayeey Manchester United la wadaagtay caalamka inay iska dirtay tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho kadib hoos u dhac ku yimid kooxda.

Paul Pogba ayaa bartiisa Twitter-ka iyo waliba Instagram-ka soo dhigay sawir uu ku muujinayay sida uu ugu faraxsan yahay cayrinta Jose Mourinho.

Laakiin xiddiga reer France durba waa uu tirtiray sawirkii uu la wadaagay taageerayaashiisa, taas oo loo fasirtay inuu markii horaba ku cabirayay xaalada uu ku sugan yahay.

Pogba ayaa keydka la dhigay kulankii Liverpool kaas oo loogu awood sheegtay Manchester United 3-1.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close