Mauro Icardi oo ka farxiyay Taageerayaasha Chelsea, laakiin Xaaskiisa ayaa….

(Europe) 18 Dis 2018. Taageerayaasha Chelsea ayaa aad u farxay kaddib markii uu Mauro Icardi baraha Bulshada soo dhigay isagoo sii galaya Diyaaradiisa qaaska ah isla markaana soo raaciyay qoraal yar oo ahaa inuu ku soo jeedo London.

Blues ayaa baahi badan u qabta weeraryahan heer caalami ah bisha Janaayo maadaama ay qaab ciyaareed liito ku jiraa Morata iyo Giroud.

Icardi oo 98- milyan lagu sheegay qiimaha lagu bur-burin karo qandaraaskiisa Inter Milan ayaa soo jiitay kooxaha waa wayn ee Yurub gaar ahaan Real Madrid iyo Chelsea.

Taageerayaasha Chelsea ayaa baraha bulshada ku soo yaacay markii uu Icardi Twitter ka soo dhigay inuu ku soo jeedo London.

Midbaa soo qoray: “Soo afduuba diyaarada oo keena Stamford Bridge”.

Midkalaa sheegay in koox gaar ah oo joogta London ay baahi wayn u qabto weeraryahan heer caalami ah sidiisa oo kale.

Yeelkeede, Xaaska dhaliyaha reer Argentina isla markaana ah Wakiilkiisa Wanda Nara ayaa u muuqata inay ceel ku riday rajada taageerayaasha Chelsea kaddib markii ay Baraha bulshada ku soo qortay:

“00:30 Habeenimo waxaan aqrinayaa bogaga heshiis cusbooneysiinta.”.

Icardi oo kal ciyaareedkan dhaliyay 13-gool ayaa la filayaa inuu dhawaan qandaraas Cusub qalinka ugu duugo Inter Milan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close