Ma rumaysan doontid qaabkii Mourinho uu ku ogaaday in laga cayriyay shaqada Manchester United!!

(Manchester) 18 Dis 2018 Tababare Mourinho ayaa saaka si caadi ah u soo aaday shaqadiisa xili uu doonayay inuu isku diyaariyo tababarka kulanka Cardiff City ee sabtiga.

Xiddigaha Manchester United ayaa fasax ku maqnaa shalay oo isniin ahayd kadib markii guul daro ay ka soo gaartay Liverpool axadii.

Sida ay baahisay Daily Mail, Mourinho marnaba kama warhayn in maanta laga cayrinayo shaqadiisa Manchester United.

Madaxa fulinta ee Ed Woodward ayaa ku sugayay Mourinho xerada tababarka ee kooxda, markii uu yimid ayuuna si toos ah ugu sheegay inuu boorsooyinkiisa ka qaato garoonka Old Tarrford.

Maamulka Manchester United ayaa shalay ku wargaliyay saxaafada ingiriiska inay si wayn u garab taagan yihiin tababare Mourinho taas oo keentay inuu saaka u soo kalaho shaqadiisa isaga oo faraxsan sida kaaga muuqata sawirka kore.

Mana jirin go’aan maamulku uu horay ula socodsiiyay Mourinho, laakiin markii uu yimid xerada tababarka ayaa looga naxsaday go’aan uusan filayn.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close