Gary Neville oo si kulul ula hadlay Pogba kadib sawirkii uu soo dhigay baraha bulshada!

(Manchester) 18 Dis 2018 Paul Pogba ayaa caro ku mutaystay sawirkii uu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Mourinho laga diro Manchester United.

Halyeeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa ku jira tiro kamid ah taageerayaasha kooxda oo aan la dhicin hab dhaqanka Paul Pogba.

43 jirkaan ayaa u sheegay Paul Pogba in isaga xitaa uu u qalmo in loo cayriyo si lamid ah Jose Mourinho maadaama uu qayb ka yahay hoos u dhaca ku yimid kooxda.

Gary Neville oo u jawaabayay Paul Pogba ayaa soo qoray:

“Adiga xitaa waxaad astaahishaa in lagu cayriyo sidiisa oo kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close