Wiil SOOMAALIYEED oo Caalamka uga Yaabsaday SAADAALIN uu sameeyay….(BAL DAAWO)

(London) 17 Dis 2018. Taageere Arsenal oo Soomaali ah ayaa caalamka uga yaabsaday Saadaalin uu sameeyay.

Wuxuu saadaaliyay in Arsenal ay soo mari doonto 22-kulan oo dhinaceeda dhulka la dhigi doonin.

Waxay saadaashu noqotay sida uu sheegay wiilka Soomaaliyeed oo lagama adkaan Arsenal 22-kulan balse kulankii 23 ayaa seefta la dul dhigay oo waxay guul darro 3-2 ah kala kulmeen Southampton.

Wiilka dhalinyarada ayaa markii hore ka hadlay Daafaca Arsenal Shkodran Mustafi, iyo in laga adkaan waayay 22-kii kulan ee ugu horreeyay kooxda markuu yimid.

Taageerayaasha ku hareereysanaa wiilka Soomaaliyeed ayaa ku camiranayay oo la yaabanaa saadaashiisa ah in Arsenal laga adkaan doonin 22-kulan, balse sidii uu wax u sheegayay ayay noqotay.

“Markii ugu horreysay uu Mustafi yimid Arsenal, Arsenal lagama adkaan 22-kulan,” Ayuu yiri Taageeraha Arsenal ee Soomaaliyeed.

Wuxuuna intaa raaciyay: “Waxaan aaminsanahay inaan gaari doono 22-kulan oo kale oo nalaga adkaan doonin.”.

DAAWO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close