Thomas Tuchel oo amaanay Manchester United kahor kulanka ay ku wada ciyaari doonaan Champions League

(Europe) 17 Dis 2018. kooxda Manchester United kahor kulanka ay ku wada ciyaari doonaan wareega 16-ka tartanka Champions League.

Isku aadka dhawaan la sameeyay ee wareega 16-ka tartanka Champions League ayaa waxaa kasoo baxay kulamo aad u adag, sida kulanka ay wada ciyaarayaan kooxaha Man United iyo Paris St Germain.

Hadaba macalinkii hore kooxda Borussia Dortmund ayaa kahor kulankan wareysi uu bixiyay wuxuu ku amaanay kooxda Manchester United.

“Koox kasta ee naga soo hor jeeda way adag tahay, laakiin Manchester United xili kasta waxay heystaan khibrad weyn ee ku aadan tartankan, waxayna ku guuleysteen marar badan”.

“Mar walba way adag tahay inaan ku ciyaarto garoonka Old Trafford, wuxuu noqon doonaa loolan aad u adag”.

“Wuxuu noqon doonaa kulan qaab ciyaareedka labada kooxood uu kala duwanaan doono, Manchester United waxay ku tirsan tahay qorsho difaaceed kulamada ay ciyaareyso, halka anagana aan sameyn doono weerar badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close