Messi oo Xalay sameeyay Caawin Cajiib ah uu u adeegsaday Maskax dheeri ah….(DAAWO)

(Spain) 17 Dis 2018. Lionel Messi ayaa xalay Saddexleey ka dhaliyay kooxda Levante ciyaar ay Barcelona uga adkaatay 5-0.

Messi ayaa la wareegay gool dhalinta horyaalka La Liga isagoo sidoo kale maanka ku haya inuu sanadkii labaad oo xirii ah ku guuleysto gool dhalinta La Liga iyo Kobta Dahabka Yurub.

Marka laga soo tago Saddexleyda uu xalay ka kacay Messi, wuxuu sameeyay caawinta goolka koowaad ee ciyaarta uu dhaliyay Suarez kaa uu u adeegsaday maskax dheeri ah.

Xiddiga reer Argentina ayaa afar daafac oo raacaneysa si cajiib ah kubbada uga dhex dhiibay isagoona farta ka saaray Suarez oo ku qabtay iyadoon kubbada dhulka dhicin.

DAAWO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close