Kaddib markii la isku beegay Liverpool vs Bayern Munich, Xiddig wayn oo ka tirsan Bayern oo durba FARIIN u soo diray Jurgen Klopp…(Muxuu ku yiri?)

(Europe) 17 Dis 2018. Liverpool iyo Bayern Munich ayaa la isku aadiyay wareega 16-ka Champions League mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan wareegan.

Daafaca Bayern Munich Mats Hummels ayaa durba fariin Twitter kiisa u soo dhigay macalinkiisii hore ee Jurgen Klopp kaa oo ay wada joogeen naadiga Dormund.

“Waan ku arkaa macallinkeygii hore 😁“. Hummels ayaa sidaa ku soo qoray bartiisa Twitter ka.

Liverpool ayaa Anfield ku marti galin doonta Bayern Munich lugta hore ee wareega 16-ka ka hor inta aysan lugta labaad u safrin gegada Allianz Arena.

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close