“Iskuma haleyn karno nafteena, sababtoo ah Lyon waxay awoodaa inaan naga adkaato” – Valverde oo ka digay kulanka Lyon

(Europe) 17 Dis 2018. Macalinka kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa iska diiday fikrada ah in Blaugrana ay hadaba xaqiijisay inay u gudubtay wareega xiga ee siddeed dhamaadka tartanka Champions League, kadib markii ay kaga begantay kooxda Lyon, isku aadka wareega 16-ka ee maanta la sameeyay.

Ernesto Valverde ayaa kadib markii uu ogaaday kooxda ay Barcelona kula ciyaari doonto wareega 16-ka Champions League wuxuu bixiyay wareysi arintan ku aadan.

“Lyon waa kooxda Manchester City kula soo dagaalantay hogaaminta Group F ilaa iyo kulanka ugu dambeeyay, waxaan u maleynayaa inay haystaan weerar xoogan”.

“Waxay si fiican uga bilaawdeen tartanka Champions League xili ciyaareedkan, kadib markii ay kaga guuleysteen Manchester City garoonkooda, waana faahfaahin muujineysa awooda ay u leeyihin inay ka guuleysan karaan koox kasta”.

“Ma joogno xili aan nafteena ku kalsoonaan karno, waxaan heysanaa laba bilood si aan u helno awood dheeri ah, isla markaana aan wax badan ka ogaano kooxda naga soo hor jeeda iyo inaan si fiican u ciyaarno, waxay u weerar tamayaan si fiican, isla markaana waa kuwo xawaare xoogan leh”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close