Allegri oo ka hadlay kulanka adag ay kula ciyaari doonaan Atletico Madrid wareega 16-ka Champions League

(Europe) 17 Dis 2018. Macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa ka hadlay isku aadka dhawaan la sameeyay ee wareega 16-ka tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Kooxda uu horjoogaha ka yahay Massimiliano Allegri ee Juventus ayaa kaga beegantay isku aadkii dhawaan la sameeyay ee wareega 16-ka Champions League dhigeeda reer Spain ee Atletico Madrid.

Hadaba kadib isku aadka wareega 16-ka Champions League ayuu Massimiliano Allegri ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

“Qof kasta ee hami leh, ma jirto wax cabsi ah uu qabo”.

Si kastaba kooxda Juventus ayaa ugu soo baxday wareega 16-ka Champions League ka dib markii ay hogaanka u soo qabatay Group-ka H, kadib markii ay soo uruursatay 12 dhibcood, iyadoo 2 dhibcood ka sara martay Manchester United, taasoo ka dhigtay in ay kooxda reer England ku beeganto Paris St Germain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close