Xavi oo si cajiib ah kaga hadlay abaal maranta Ballon d’Or 2018 ee dhawaan loo caleemo saaray Modric

(Barcelona) 16 Dis 2018. Halyayga kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa u mahad celiyay laacibka kooxda Real Madrid ee Luka Modric, kadib markii uu si cajiib ah u hadlay ku guuleesigiisa abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or.

Luka Modric ayaa kadib marka uu ku guuleestay abaal marinta Ballon d’Or hadaladii cajiibka ahaa uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa:

“Laga yaabee in ciyaartoy qaar ay ku guuleysan kareen sanooyinkii lasoo dhaafay abaal marinta Ballon d’Or, sida Xavi, Iniesta iyo Wesley Sneijder, balse ma aysan ku guuleysanin”.

Hadaba Xavi Hernandez ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa:

“Aniga ahaan, waxay ila muuqatay arin cajiib ah, dhab ahaantii waxa uu sameeyay aad ayaan ugu farxay, waana ku faanayaa isaga”.

Xavi Hernandez ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay in sanadkan abaal marinta Ballon d’Or ay aado dhanka xidig khadka dhexe sida Luka Modric oo kale, kaasoo ku soo guuleystay tartanka Champions League, xili sidoo kale uu gaaray finallka koobka aduunka 2018, laakiin wuxuu xaqiijiyay in xili kasta uu doorbidayo Lionel Messi

“Aniga ahaan sida iska cad, sanad walba waxaan siin lahaa abaal marintan Lionel Messi, laakiin taasi waa arin aan dhici Karin”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close