“Nasiib haddaad maqasho waa labadii Gool ay naga dhaliyeen Liverpool.”.-

(England) 16 Dis 2018. Liverpool ayaa guul ay u qalantay ka gaartay Manchester United oo marti u ahayd kaddib markii ay kaga adkaatay 3-1.

Fursadaha la abuuray, baasaska iyo wax kasta ayay ku sarreysay Liverpool oo iyadaa ciyaarta xukumeysay waana guushii ugu horreysay ay ka gaaraan Red Devils tan iyo 2015.

Laakiin Jose Mourinho oo ciyaarta kaddib hadlay ayaa sheeganaya in kooxdiisu looga adkaaday wax nasiib u muuqda.

Wuxuu sheegay in qolka Dharbadelashada uu goolhaye De Gea ku sheegay inuu bad baadin lahaa labada gool ee Shaqiri haddii aysan ku soo dhici lahayn qof kale oo labada goolba waxay ahaayeen ‘Deflection’.

LIVERPOOL, ENGLAND - DECEMBER 16: A dejected David de Gea of Manchester United after Sadio Mane of Liverpool scored a goal to make it 1-0 during the Premier League match between Liverpool FC and Manchester United at Anfield on December 16, 2018 in Liverpool, United Kingdom. (Photo by Robbie Jay Barratt - AMA/Getty Images)

“Liverpool waa kooxda xoogan, laakiin way adag tahay inay labo gool kaa dhashaan waqtigaa iyo waliba sida ay nooga dhasheen,” Sidaa ayuu Jose u sheegay Sky Sports ciyaarta kaddib.

“Waqtigeena ugu adkaa wuxuu ahaa labaatanka daqiiqo ee ugu horreysay kulanka, lama tacaali karin awoodooda cajiibka ahayd iyo cadaadiskooda, laakiin intaa kaddib waan yare daganeyn waana Xakameynay kulanka.

“Waxaa dareemaynay inaan kulanka adkaan karnay xitaa haddii aynaan yare u qalmin.

“David De Gea wuxuu qolka dharbadelashada ku sheegay inay ka dhasheen labo kubbad oo sahlan isla markaana uu bad-baadin lahaa haddii aysan qof kale ku soo dhici lahayn  [deflections] .

“Haddii aad dooneyso inaad ka hadasho NASIIB, waxaad ka hadashaa goolkii labaad iyo kii saddexaad ay dhaliyeen Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close