Goolkii Ronaldo ee Xalay oo Micno Wayn u sameeyay Juventus….(DAAWO)

(Italy) 16 Dis 2018. Cristiano Ronaldo ayaa xalay dhaliyay goolka qura ay Juventus uga adkaatay Torino kaa oo waliba ahaa Rigoore balse Minco wayn ayuu u sameeyay kooxda lagu naaneyso Marwada Duqada ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa Rigoore u dhaliyay Juve daqiiqadii 70-aad kulanka loogu magac daray Derby Turin.

Goolka ayaa Juve uga dhigan inuu yahay kii 5000 ay ka dhaliyaan horyaalka Talyaaniga.

Bianconeri ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay horyaalka Talyaaniga ee gaarta 5000 oo Gool.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close