Real Madrid oo Dirqi Guul kaga gaartay Rayo Vallecano

( La liga ) 15 Dis 2018. Real Madrid ayaa guul cariiri ah ka gaartay dhigeeda Rayo Vallecano markii ay kaga badiyeen 1-0.

Goolka kaliya oo ay ku badisay kooxda Madrid ayaa dhashay qeybta hore cayaarta, waxaana suuragaliyay Karim Banzema oo dhameystiray caawin uu ka helay Lucas Vazquez.

Dheesha ayaa laba kooxba sameeyee isku dayo goolkaa iydoo in badan aysan macquul noqon in goolal la iska dhaliyo.

Real Madrid ayaa aheyd mid dhan kasta ka kubbad wanaagsaneed kooxda martida laakiin goolka Bazema ayaa u sahlay iney guushoodii seddaxaad oo xariira ay garaan horyaalka La liga.

Madrid ayaa haatan ku jirta booska 3-aad dhanka kala horenta waxayna lee yihiin 29-dhibcood iyagoo 2-dhibcood u jira hogaamiyaasha Barcelona.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close