Manchester City oo si Kumeel gaara ugu soo Laabatay hogaanka horyaalka Kaddib Markii…+SAWIRRO

( Premier League ) 15 Dis 2018. Manchester City ayaa guul sahlan ka gaartay Everton kaddib markii ay kaga badiyeen 3-1.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0, waxaana hogaanka kullanka qabatay City iyadoo goolka daah furka uu u dhaliyay Gabriel Jesus markii uu kubbad caawin la helay Lorey Sane isagoo si dagan u daba mariyay goolka Martida.

Dib markii loogu soo laabtay qeybta labaad dheesha City ayaa halkeeda kasii waday duulaanka ka dhan ah goolka Everton.

Kaliya markii 5-daqiiqo kaliga laga soo laabtay nasiinada cayaarta markale waxaa City hogaanka u dheereyay Jesus oo kubbad Madaxa ugu shubay markii uu dhameystiray diib usoo dhigay Sane.

Everton ayaa goolka iska soo celisay waxaana shabaqa u gaaray markii cayaartu socotay 65-daqiiqo Dominic Calvert-Lewin.

Balse waxaa ugu dambeyntii goolasha Manchester City soo xiray Raheem Starling oo goolka seddaxaad dhaliyay kasoo ahaa madax markii uu karoos usoo dhigay Fernandinho.

Guusha City ayaa haatan dib ugu soo celineysa hogaanka horyaalka ilaa laga ogaado cayaarta Liverpool ay habeen dambe la cayaari doonto Manchester United waxaana hadda laga sareeyaa laba dhibcood.

Labada gool ee Gabrie Jesus waa  arkii u horreysay uu laba gool cayaar ka dhaliyaan mudda 14-bilood kaddib.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close