HORDHAC: Inter Milan v Udinese

( Serie A ) 15 Dis 2018. Inter Milan ayaa marti galineysa Udinese kulamada 16-aad ee todobaadkan horyaalka Serie A.

Nerazzurri ayaa labadii dheel ee lasoo dhaafay guul la’aana, iyagoo ka haray asbuucii hore tartanka Champions League.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Serie A

Waqtiga: 08:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Rosario Abisso

Garoonka: San Siro

Wararka Kooxaha

João Mario ayaa awoodin inuu cayaaro kullankii Champions League ee bartamaha todobaadkii hore laakiin waxaa laga yabaa inuu dheeshan kusoo bilaawdo.

Radja Nainggolan ayaa si lama filaana uga soo kabtay dhaawac isagoo kamida noqday safkii loo magacaabay cayaartii bartamaha todobaadkii hore laakiin lama soo celin doono.

Matías Vecino ayaa laga yabaa inuu seego kullankii labaad oo xariira, taasoo la micno ah in Borja Valero iyo Roberto Gagliardini ay ku tartamayaan shada kowaad ee qadka dhexe.

Kevin Lasagna ayaa gool dhaliyay todobaadkii hore taas ayaana macquul ka dhigeysa inuu shaxda kooxda marti kusoo bilaawdo.

Valon Behrami ayaa u muuqan doona mid ku bilaabana shaxda qadka dhexe ka hor Antonino Barak.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Inter ayaa adkaatay kullan kaliya afartii dheel ee u dambeysay horyaalka (1-barbaro, iyo 2 guuldarro) kaddib markii ay guuleysatay mid kasta oo kamida todoba cayaar oo hore.

Nerazzurri ayaa sameysay karoosyada ugu badan furitaanka cayaarta xagaagan horyalka Serie A waana (337, kuwaa ugu yaraan ka badan 39 kooxaha kale), kaliya Sampdoria (117) iyo Parma (136) ayaa ka yar Udinese oo (180-karoos sameysay).

Inter ayaa badisay lix kamida todobadii kullan ee u dambeysay oo ay horyaalka la dheeshay Udinese.

Mauro Icardi ayaa ka dhaliyay lix gool laba caawina sameeyay siddeed kualn uu horyaalka ka hor yimid Udinese.

Udinese ayaa in badan guuldarreysatay horyaalka Serie A 2018 taasoo ay ka badan tahay koox kasta (6 guul, 8 bar-baro iyo 21-guuldarro).

Zebrette ayaa guuleysatay mar klaiya todobadoodii dheel oo ay marti ahaayeen xagaagan (3 barbaro, iyo 3 guul-darro), guusha qura waxay ka gaareen Chievo bishii September.

Udinese waa kooxda kaliya ee xagaagan horyaalka Serie A sameysay shuudadka ugu badan banaanka diilinta ganaaxa iyo gudaha diilinta (92/180 – 51%).

Kevin Lasagna ayaa seddax gool ku dhaliyay afar kulan uu ku cayaaray horyaalka garoonka  Meazza, laba gool wuxuu ka dhaliyay Inter halka goolka kalana uu ka dhaliyay AC Milan.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close