Hadalo kasoo yeeray Fabregas oo muujinaya inuu dhamaaday xiriirka kala dhexeeyay kooxda Chelsea

(Chelsea) 15 Dis 2018. Laacibka khadka dhexe ee reer Spain Cesc Fabregas ayaa sheegay inuusan ku faraxsaneen xaalada uu haatan kaga sugan yahay safka kooxda Chelsea.

Cesc Fabregas ayaa qeyb ka noqday xidigaha kursiga keydka ee kooxda Chelsea uu hogaamiyo macalinka reer Talyaani ee Maurizio Sarri.

Maurizio Sarri ayaa sameeyay suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay saxiixa Jorginho, wuxuuna tan iyo imaatinkiisa garoonka Stamford Bridge ka dhigay Fabregas dooqa labaad.

Laakiin Cesc Fabregas ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mirror” ee dalka England wuxuu kaga hadlay dareenkiisa xaalada uu kaga sugan yahay garoonka Stamford Bridge.

“Waan ogahay doorka aan ku leeyahay kooxda Chelsea, nasiib daro, ma ahan doorka aan doonayay”.

“Sida caadiga ah, mar walba waxaan isku dayaa inaan sameeyo sida ugu fiican, marka aan la ciyaarayo kooxda yar iyo kooxda koowaad, iyadoo la ogsoon yahay inaanan ciyaarin kulan dhameystiran ee ah kooxda koowaad xili ciyaareedkan”.

“Aan aragno waxa dhaca mustaqbalka, laakiin xilligan la joogo waxaan sameyn doonaa wax walba ee awoodeydu tahay, waxaan qeyb ka ahay koobabka kale iyo Europa League”.

“Marna ma niyad jabi doono, marka ay tahay in loo baahdo joogisteyda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close