Waa kuwee 32-da kooxood ee isugu soo haray Europe League, Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka, Miyay isku aadi karaan Chelsea iyo Arsenal iyo Wax kasta oo aad u baahan tahay

(Europe) 14 Dis 2018. Xalay ayaa la soo afjaray wareega Group-yada Europe League iyadoo ay isku soo hareen 32-kooxood oo ciyaari doona wareega Bug baxa.

Haddaba ka bogo xog dhammeystiran oo ku aadan Europe League:

Waa kuwee 32-kooxood ee isugu soo haray tartankan?

  • Arsenal
  • Benfica
  • Betis
  • Chelsea
  • Dinamo Zagreb
  • Dynamo Kiev
  • Frankfurt
  • Genk
  • Inter Milan
  • Leverkusen
  • Napoli
  • Salzburg
  • Sevilla
  • Valencia
  • Villarreal
  • Zenit St Petersburg
  • BATE Borisov
  • Celtic
  • Club Brugge
  • Fenerbahce
  • Galatasaray
  • Krasnodar
  • Lazio
  • Malmo
  • Olympiakos
  • Rapid Vienna
  • Rennes
  • Slavia Prague
  • Sporting Lisbon
  • Shakhtar Donetsk
  • Viktoria Plzen
  • Zurich.

Siduu u shaqeynayaa isku aadka, Miyay isku aadi karaan kooxaha isku dalka ah?

12-ka kooxood ee hogaaminayay wareega Group-yada Europe League oo lagu daray afarta kaalinta saddexaad ee fiican uga yimid Champions League ayaa lagu ridi doonaa dheriga koowaad.

Halka kooxaha kale ee Europe League iyo kuwa kale ee ka yimid Champions League la galin doono dheriga labaad.

Kooxaha dheriga koowaad ayaa gurigooda lagu hor mari doonaa iyadoon usbuuc kaddib ay aadi doonaan guriga kale.

Kooxaha ka soo baxay isla hal Group iyo kooxaha isku dalka ah iskuma aadi karaan taa oo ka dhigan inay is wajihi doonin Chelsea iyo Arsenal.

Tokeo la picha la Chelsea vs Arsenal Europe League

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka?

Waxaa la sameyn doonaa Isniinta soo socota 17-da bishan December oo waxaa la sameyn doonaa marka la sameeyo isku aadka Champions League kaddib.

Goorma ayaa la ciyaarayaa lugta hore iyo lugta dambe ee wareega 32-da Europe League?

Lugta hore ayaa la ciyaari doonaa 14-ka bisha Feebaraayo halka usbuuc kaddib 21-ka bisha Feebaraayo la ciyaari doono lugta labaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close