Taageerayaal Careysan oo Cristiano Ronaldo ku bahdilay Baraha Bulshada kaddib Falkii uu sameeyay kulankii Champions League…(DAAWO)

(Europe) 14 Dis 2018. Taageerayaal careysan ayaa baraha bulshada ku weeraray Cristiano Ronaldo kaddib falkii uu sameeyay ciyaartii ay Juventus guul darada lama filaanka ah 2-1 kala kulantay kooxda yar ee Young Boys.

Dybala ayaa dhaliyay gool indho daraan dar ah balse waxaa u aqoonsaday Cristiano Ronaldo oo waa la diiday goolka sababo Offside ah.

Xiddiga reer Argentina ayaa kubbada ka soo laaday diilinta ganaaxa afkeeda laad qurux badan oo shabaqa qabsaday balse intii ay kubbada goolka ku sii soctay waxaa haweystay oo damcay inuu madaxa ku sii taabto Ronaldo taa oo keentay in la diido Goolka.

Taageerayaal ku soo yaacay baraha bulshada ayaa Ronaldo ku eedeeyay inuu yahay ‘Anaani’ isaga uun wax kasta isla jecel.

Haddaba Daawo Goolka uu Ronaldo u aqoonsaday Dybala:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close