Massimiliano Allegri oo ka hadlay qorshihiisa kaga aadan Ronaldo kahor kulanka Torino

(Juventus) 14 Dis 2018.Tababaraha kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu seegi doono mid ka mid ah seddex kulan ee horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

51 jirkan reer Talyaani ayaa u sheegay saxaafada dalka Talyaaniga kahor kulanka ay baheen dambe kooxda Torino ku wada ciyaari doonaan horyaalka Serie A.

“Ujeedkeena ayaa ah, laga bilaawo haatan ilaa iyo laga gaarayo xiliga fasaxa, waa inaan sii hogaaminaa horyaalka”.

‘Ilaa iyo haatan waxaan gaarnay laba ujeedo, mida koowaad waxaan u gudubnay wareega 16-ka Champions League, sidoo kale waxaan hogaamineynaa horyaalka”.

“Marka laga soo tago horyaalka, waa inaan ka fekernaa kulanka aan Coppa Italia kula ciyaari doono kooxda Bologna iyo sidoo kale Supercoppa Italiana”.

“Kulamada Derby-ga xili kasta waa kuwo adag, waa imtixaan adag, gaar ahaan wuxuu kulankan imaanayaa maalmo kadib kulanka Young Boys”.

Intaas kadib tababaraha kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa wuxuu ka hadlay Cristiano Ronaldo wuxuuna yiri:

“Cristiano Ronaldo wuxuu seegi doonaa mid ka mid ah kulamadan: Roma, Atalanta iyo Sampdoria”.

Si kastaba kooxda Juventus ayaa kaga hogaamineysa horyaalka Talyaaniga 8 dhibcood nadiif ah, kooxda booska labaad ku jirta ee Napoli.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close