Jurgen Klopp oo digniin u diray Mourinho iyo wiilashiisa kahor kulanka Axada ka dhici doono Anfield

(Premier League) 14 Dis 2018. Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa kasoo hor muuqday saxaafada wuxuuna ka hadlay dhoowr arimood kahor kulanka ay Manchester United ku soo dhaweyn doonaan garoonka Anfield.

Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa Axada soo aadan ku wada ciyaari doono kulan ka tirsan kulamada 17-aad ee horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan.

Liverpool ayaa rajeeneysa inay sii wado natiijooyinkeeda wanaagsanaa xilli ciyaareedkaan ee horyaalka Premier League, si ay u sii wado dagaalka ay kula jirto Manchester City, maadaama labada kooxood uu u dhexeeyo farqi 2 dhibcood oo kaliya.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in la gaaray waqtigii ay ka adkaan lahaayeen kooxda Manchester United, kadib markii ay labada kooxood labadii kulan lasoo dhaafay ay ku wada ciyaareen garoonka Anfield ku kala baxeen barbaro.

“Waa inaan caro xoogan muujinaa kulanka Axada soo aadan, waxaan u dagaalami doonaa sida aan ku heli lahayn saddexda dhibcood”.

Intaas kadib Jurgen Klopp ayaa wuxuu amaanay 51 jirka kooxda Manchester United ee José Mourinho wuxuuna yiri:

“Manchester United marnaba ma aysan noqonin hami la’aan”.

“Mourinho waa tababaraha ugu guulaha badan caalamka, waana intaas wax walba”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close