EEG: Safafka ay Habeen dambe ku soo gali karaan Liverpool vs Manchester United

(England) 14 Dis 2018. Liverpool ayaa habeen dambe marti galin doonta kooxda ay sida wayn u coltamaan ee Manchester United kulan xasaasi ah oo ka tirsan Premier League.

Reds waa kooxda kaliya ee aan ilaa iminka laga adkaan Premier Leagu kal ciyaareedkan balse howl culus ayaa sugeysa habeen dambe waayo kama aysan adkaan Red Devils tan iyo 2015.

Waxaa taa u dheer weerarkeeda halista ah ee Saalax, Mane iyo Firmino waa waa af la’aan marka ay ka horyimaadaan Manchester United oo ilaa hadda inay gool ka dhaliyaan iskaba dhaafee xitaa caawin kuma sameyn.

Kooxda Jurgen Klopp waxaa sidoo kale dhibaato ka heysataa dhanka daafaca oo waxaa ka dhaawacan xiddigo muhiim ah sida Joe Gomez, Joel Matip iyoTrent Alexander-Arnold.

Xiddiga Jookarka ah ee Milner ayay u badan tahay inuu buuxin doono booska Alexander-Arnold.

Jose Mourinho ayaa isagu sheegay inuu sugi doono ilaa berito si uu shaxdiisa u soo xusho maadaama uu filanayo in xiddigaha qaar u soo laabtaan.

Haddaba EEG SAFAFKA ay habeen dambe ku soo gali karaan Liverpool vs Manchester United:

LIVERPOOL:

Liverpool team news predicted line up Man Utd

MANCHESTER UNITED:

Man Utd team news

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close