“Waxaan soo dhaweyneynaa in Alvaro Murata uu yimaado kooxda Barcelona” – Jordi Alba

(Barcelona) 13 Dis 2018. Difaaca garabka bidix ee kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa sheegay in Alvaro Morata uu ku soo dhaweyn doono qolka labiska Blaugrana, hadii uu go’aansado inuu yimaado garoonka Cump Nou.

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Alvaro Morata ayaa xiliyadii lasoo dhaafay lala xiriirinayay u dhaqaaqista kooxda Barcelona,

Wargeysyada dalka Spain ayaa shalay waxay daboolka ka qaadeen in kooxda Barcelona ay ka gudbisay Alvaro Morata dalab ay kula soo saxiixaneyso, si ugu xoojistaan weerarka kooxdooda.

Jordi Alba ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu shaaca kaga qaaday:

“Imaarinka Alvaro Morata ee kooxda Barcelona aad ayaan uga mahad celin lahayn hadii uu sidaas sameyn lahaa”.

“Wuxuu sameeyay qaab ciyaareed cajiib ah sanooyinkii lasoo dhaafay, hadii ay run tahay wararka ku aadan inuu imaanayo kooxda Barcelona, xaqiiqdii waxaan ku soo dhaweyn doonaa safka kooxda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close