“Waa wax laga xishoodo guuldaradii kooxda Young Boys” – Cristiano Ronaldo

(Real Madrid) 13 Dis 2018. Laacibka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ayaa muujiyay sida uu kaga careysan yahay guuldaradii xalay kasoo gaartay kooxda Young Boys, kulankooda ugu dambeeyay ee wareega group-yada ee Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay sida uu kaga xun yahay guuldarada kasoo gaartay Young Boys.

“Waxaan abuurnay fursado badan ee aan goolal ku dhalin karnay, inaan guuldareysano waa wax laga xishoodo, guuldarada kuma farxeyno”.

“Laakiin muhiimada ayaa ah inaan u gudubnay wareega xiga ee 16-ka, hada waxaa imaan doona kulamo muhiim ah, waxaana u noqon doonaa diyaar”.

Cristiano ayaa beeniyay inuu dareemayo daal fara badan maadaama uu soo ciyaaray dhamaan kulamada kooxda Juventus tan iyo markii uu yimid xili ciyaareedkan.

“Waxaan dareemayaa wanaag, waxaan sameeyaa barnaamij tababar ee gaar ah, wax walba uu go’aamiyo macalinka hadii aan ciyaarayo iyo hadii kale, xili kasta waan ku farxi doonaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close