Muller oo Twitter ka kula soo hadlay laacibkii uu Taakada Karateega madaxa uga dilaaciyay…(Muxuu ku yiri?)

(Europe) 13 Dis 2018. Thomas Muller ayaa xalay loo taagay Kaarka cas kaddib markii uu Laad madaxa uga dhuftay Nicolas Tagliafico sida qof ciyaaraya Karatee ciyaartii ay Bayern Munich bar baraha 3-3 la gashay naadiga Ajax.

Tagliafico ayaa u baahday in madaxa qodobo loogu dhufto si dhiiga loo joojiyo maadaama uu Muller si xun ugu muday muundooyinka kobaha.

Dhaliyaha reer Germany ayaa bogiigsa Twitter-ka kula soo hadlay laacibkii uu dhaawacay:

“Waxaan jeclaan lahaa inaan Nicolas Tagliafico ka raali galiyo qaladkii shalay, kas ma ahayn, si dhaqsi leh ku soo bogso,”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close