Michael Owen oo ka hadlay sababta ka dambeysa hoos u dhaca ku yimid Pogba

(England) 13 Dis 2018. Halyayga kooxda Liverpool ee Michael Owen ayaa ku eedeeyay macalinka kooxda Manchester United ee Jose Mourinho hoos u dhaca ku yimid xidiga reer France ee Paul Pogba.

Michael Owen oo ka tirsan shabakada “PT Sport” ayaa sheegay in Pogba uu noqon lahaa ciyaaryahan weyn haddii uu ka hoos shaqeyn lahaa tababar kale ee Premier League ka tirsan.

“Waxaan u maleenayaa in macalinka uu mas’uul ka yahay qaab ciyaareedka uu haatan bixinayo Pogba”.

“Waxaan xasuustaa marka uu imaanayay Pogba inay isku dayayeen inay dhamaan u caawiyaan siyaabo kala duwan, si uu u bixiyo qaab ciyaareedkiisa ugu fiican”.

“Waxaan qabaa aragti ahaan hadii uu ka hoos shaqeyn lahaa Pep Guardiola ama Jürgen Klopp, wuxuu ka mid noqon lahaa ciyaartoyda ugu fiican kubada cagta aduunka, laakiin xilligan ma dhihi karno arintan”.

“Waan ka xumahay xaalada uu haatan ku sugan yahay, waa niyadjab inaan ku aragno sida isagoo ah ciyaaryahan dhalinyaro ee jira da’aada 16 ama 17 isla markaana ah ciyaar barad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close