Arsene Wenger oo kala taliyay Zidane horyaalka ay haboon tahay xiligan inuu u dhaqaaqo

(Yurub) 13 Dis 2018. Macalinkii hore kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa kala taliyay Zinedine Zidane horyaalka uu doonayo inuu u dhaqaaqo xilliyada soo socda.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu soo bandhigay fariinta uu Wenger u diray ninka ay isku dalka kasoo wadajeedaan ee Zinedine Zidane.

“Haddii aad dooneyso inaad heer sare sii ahaato, waa inaad u dhaqaaqdaa xiligan la joogo dalka England”.

“Laakiin waqti xaadirkan waxaa jira shaki ku aadan in England ay ka bixi doonto Midowga Yurub, hadaba horyaalka Premier League dhaqaalihiisa ma wuxuu heersare u ahaan doonaa sida uu haatan yahay, dhawaan ayaan kala ogaan doonaa”.

“England waa dalka kaliya ay LIX kooxood ku dagaalami karaan ku guuleysiga horyaalka, marka loo fiiriyo dowladaha kale, waxaad garan kartaa  kooxda guuleysan karta  dhammaadka sanadka”.

“Tusaale ahaan dalka France guuleystayaasha horyaalka waxaad kala ogaan kartaa isla bisha Sebtembar”.

“Zinedine Zidane waxaa horyaala go’aan adag, wuxuu qeyb ka ahaa kooxda ugu weyn aduunka, mana awoodo inuu u dhaqaaqo kooxda labaad ee aduunka ugu weyn”.

Si kastaba macalinka reer France ee Zinedine Zidane ayaa lala xiriirinayay xiliyadii lasoo dhaafay kooxaha Manchester United iyo Bayern Munich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close