Yaa loo Magacaabay Laacibka BISHA ee Premier League?

(England) 12 Dis 2018. Xiddiga ay falka Cunsurinimada ah kula kaceen taageerayaasha Chelsea ciyaartii ay dhawaan ka adkaadeen Manchester City ee Raheem Sterling ayaa loo Magacaabay laacibka bishii la soo dhaafay ee November.

Wiilka reer England ayaa sameeyay saddex caawin ah isagoona dhaliyay saddex gool.

Image result for premier league player of the month

Sterling ayaa sameeyay labo caawin ah isla markaana dhaliyay labo gool kulankii ay Man City 6-1 uga adkaatay Southampton.

Sidoo kale gool ayuu dhaliyay caawina wuu sameeyay dheeshii ay kooxdiisu ka adkaatay West Ham.

Abaal marinta laacibka bisha ayuu ku garaacay Saaxiibadiisa Leroy Sane iyo David Silva iyo waliba  Moussa Sissoko (Tottenham),  Lucas Digne (Everton),  Andy Robertson (Liverpool) iyo Felipe Anderson (West Ham).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close