Xulka qaranka Soomaaliya oo xasuuqay Jabuuti xilli uu SADDEXLEEY dhaliyay Feysal…+SAWIRRO

(Soomaaliya) 12 Dis 2018. Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul ka gaaray wiilasha Xulka Jabuuti kulan ciyaareed Saaxiibtinimo ee ka dhacay wadanka Jabuuti gaar ahaan garoonka Guuleed Haji Stadium kaddib markii ay ku mareen 4-1.

Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u xiiso badan labada xul ayaa waxey soo bandhigeyn kubadd aad u heer sareyso qeybtii hore kulanka ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaamineyso xulka Ocean Stars, waxaana goolka u dhaliyay Feysal  Axmed Xasan, sidaas ayaa lagu kala nastay qeybtoo hore dheesha.

Markii dib la isku soo laabtay qeybtii dambi ciyaarta xulka Qaranka Soomaaliya ayaa waxey u muuqdeyn kuwa aad u firfircoon  waxeyna heleyn goolkii labaad ee ciyaarta waxaan mar kale shabaqa gaaray ciyaaryahan feysal waxaa goolkaas caawiyay mucjisada kubadda cagta soomaaliya Cabdicasiis Catoosh.

Balse daqiiqado kadib waxaa goolkii 3-aad xulka Jabuuti ugu shubay xidigaha ku soo ifbaxay tartankii barakacyaasha ee Ismaaciil ciyaarta ayuu ka dhigay 3-0, balse xulka Jabuuti waxey heleyn goolka calanka.

Ugu ciyaaryahan Feysal ayaa soo afjaray rajadii kulankan ay ka laheyd xulka Jabuuti wuxuu dhaliyay goolkii 4-aad ee ciyaarta ahna goolkiisa 3-aad uu u dhaliyo xulka.

Tani waxey ka dhigan tahay in kubadda cagta soomaaliya ay kor u kaceyso waana guushii labaad ee garoonka Guuleed Haaji ay ku gaareyso sanadkan.

Horaantii bishan ayay aheyd kadib markii ay labo cad ka soo kala dhigeen xulka Ethiopia caawana waxey ka talaab sadeen xulka wadanka aan jaarka  nahay ee Jabuuti.

W/Q: C/fitaax Naani

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close