Manchester United Real Madrid iyo Juventus oo Guul-darreysay kulamadii u Dambeyay heerka group-ka Champions League

( Champ’ League ) 12 Dis 2018. Kooxda difaacaneysa tartanka ee Real Madrid ayaa qasaaro 3-0 kala kulantay garoonkeeda dhigeeda CSKA Moscow.

Inkastoo Real ay hore u xaqiijiyay wareega 16-tartankan balse waxaa soo gaartay qasaaradii ugu horreysay gurigooda kulamada heerka group-ka tan iyo 2009 xilligaa oo ay ku garaacday AC Milan.

Naadiga Russia ayaa goolasha ay ku adkaatay waxaa u kala dhaliyay Fedor Chalov, Georgi Shchennikov, iyo Arnor Sigurdsson.

Dhanka kale Manchester United ayaa guuldarro 2-1 kala kulantay Valencia oo u dhacday koobka Europe League.

Kooxda Spain ayaa laba gool oo ay ku badisay waxay ka heshay Carlos Soler, kubbad uu si kama’ ah isaga dhaliyay daafaca United ee Phil Jones, waxaana goolka calanka u dhaliyay dhammaadka dheesha Marcos Rashford.

Sido kale waxaa qasaaro kusoo gabagabeysay kulamada group-ka Juventus oo guuldarro 2-1 ay kasoo gaartay Young boys.

Ugu dambeyn Manchester City ayaa guul soo laabasho ah gaaray Hoffenheim oo marti u aheyd markii ay kaga adkaadeen 2-1.

Kooxda Guardiola ayaa looga hormaray goolka kowaad balse labada gool oo ay ku badiyeen waxay kaga mahad celinayaan Leroy Sane.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close