Liverpool oo si rasmi ah u shaacisay in Matip uu mari doono qaliin iyo mudada uu garoomada ka maqnaandoono oo lasii ogaaday

(Liverpool) 12 Dis 2018. Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday in difaaceeda reer Cameroon ee Joel Matip uu dhaawac daran kasoo gaaray garab bixid, inta lagu gudi jiray kulankii Napoli ee tartanka Champions League.

Liverpool ayaa ku daabacday website-keeda iyo sidoo kale dhamaan bogageeda rasmiga ah sida Facebook iyo Twitter-ka ku xaqiijisay in Joel Matip uu u baahan yahay in qaliin looga sameeyo garabka bidix.

Warbixintan ayaa lagu xusay in Joel Matip uu dhaawacan kasoo gaaray daqiiqadaha ugu dambeesay ee ciyaarta, taasoo keentay in uu aado isbitaal isla markiiba dhamaadka ciyaarta.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Joel Matip ayaa qalliin laga sameyn doonaa maalmaha soo socda, waxaana la filayaa inuu maqnaan doono ugu yaraan lix isbuuc, sida ay sheegtay kooxda Liverpool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close