“Waa fool xumo in la dhaho Modrić uma qalmo abaal marinta Ballon d’Or” _ Iniesta

(La Liga) 11 Dis 2018. Halyayga kooxda Barcelona Andrés Iniesta ayaa codsaday in xal loo helo dhibaatada haatan heysata da’ayarka reer France ee Ousmane Dembélé.

Andrés Iniesta ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia wuxuu kaga hadlay dhowr arimood eek u saabsan kooxdiisa hore ee Barcelona.

“Ha dilina Ousmane Dembélé, haddii aysan jirin daawo loogu talagalay dhibaatadiisa, laakiin xaalada ma ahan sidaas, sababtoo ah waxaa muhiim ah in dhibaatadan xal loo helo”.

“Ma garanayo faahfaahinta xaaladdan si loo qiimeeyo, laakiin waa inaan raadinnaa xal, haddii aysan  sidaas ahayn, arin kale ayaa jirta, mana ahan wax aan la maareyn karin, sharciyada qaar ee qolka labiska waxay qaadi doonaan sharciyo lagama maarmaan ah”.

Intaas kadib Andrés Iniesta ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay ka hadalka ku guuleysiga Luka Modrić ee abaal marinta Ballon d’Or.

“Aniga ahaan Lionel Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican aduunka, laakiin waa fool xumo hadii aad dhahdo Luka Modrić uma qalmo abaal marinra Ballon d’Or”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close