Santiago Solari oo u jawaabay Cristiano Ronaldo

(Madrid) 11 Dis 2018 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa u jawaabay Cristiano Ronaldo oo bixiyay waraysi uu si dadban ugu weeraray kooxdiisii hore.

Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in xiddigaha Juventus ay yihiin kuwii ugu fiicnaa ee uu abidkiis ka garab ciyaaro intii uu ku soo gudo jiray kubadda cagta.

Image result for Solari Ronaldo

Hadalkaas ayaa loo fasirtay mid uu ku liidayo xiddigaha kooxda Real Madrid maadaama uusan iyaga dhan soo xusuusan.

Santiago Solari oo la waydiiyay hadalka Ronaldo ayaa yiri:

“Isla waynin la’aanta waa tilmaan lagu yaqaano xiddigaha waa wayn, sidaas darteed ayeey Real Madrid ugu guulaysatay waxyaabo badan”.

“Ronaldo taariikh nool ayuu ku leeyahay Real Madrid, balse dareenkiisu waa mid isaga quseeya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close