Modrić oo sheegay inuu iska diiday dalab muhiim ah, sababa la xiriira Real Madrid

(Real Madr) 11 Dis 2018. Xidiga khadka dhexe kooxda Real Madrid Luka Modrić ayaa ka hadlay ereyadii uu Raphael Varane ku yiri kadib finalkii Koobka Adduunka 2018 ay ku wada ciyaareen xulalka Croatia iyo France.

Dhanka kale Luka Modrić ayaa wuxuu sheegay inuu diiday inuu heshiis la gaaro kooxda PSG sanadii 2012-kii, isagoo ka doorbiday inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Xidiga kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa dhawaan loo caleymo saaray abaal marinta laacibka ugu fiican aduunka ay si gaar ah u bixiso majalada France Football ee Ballon d’Or 2018 isagoo ku garaacay xidigaha Cristiano Roanaldo iyo Antoine Griezmann.

Modrić ayaa ugu horeyn sheegay: “Varane waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican caduunka, wuxuuna iigu hambaleeyay abaal marinta Ballon d’Or 2018, mana uusan ka caroonin inaan ku guuleeystay”.

“Wuxuu ii sheegay fiinalkii koobka aduunka 2018 inaan abaal marinta Ballon d’Or 2018 ku guuleysan doono”.

Luka Modrić ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xiray inuu iska diiday inuu heshiis u saxiixo kooxda PSG kahor inta uusan imaanin Real Madrid.

“Marka aan ka war helay in Real Madrid ay xiiseeneyso saxiixeyga, waxaan iska ilaaway dalab kasta ee aan helay ee muhiim ahaa sidoo kale, taas micnaheeda ma ahan in aan Paris Saint-Germain ama koox kale ku dhibaateenayo”

“Laakiin kooxda Real Madrid xili kasta waxay ahayd xulashadeyda koowaad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close