“Messi waa ciyaaryahanka aan had iyo jeer jeclahay inaan daawado” – Steven Gerrard

(Yurub) 11 Dis 2018. Halyayga reer England ee iyo kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya wuxuu ku bixiyay Football Star, wuxuuna ka hadlay waxyaabo badan ee ku saabsan kubada cagta.

Steven Gerrard ayaa ka hadlay waxyaabo badan ee ku saabsan waayihiisa kubadda cagta ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England

Steven Gerrard ayaa si dhaqso ah uga jawaabay su’aasha ku aadaneyd ciyaaryahankeed ugu jeceshahay inaad daawato wuxuu ku jawaabay – “Lionel Messi”

Steven Gerrard ayaa muujiyay inuu ku raaxeesanayo waaya-aragnimadiisa haatan ee xirfadiisa tababarnimo ee kooxda Rangers, isagoo dhinaca kale sheegay in ay tahay wax adag shaqada tababarka ee kubada cagta.

Steven Gerrard ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in finalka Champions League ee dhex maray kooxaha Liverpool iyo AC Milan, kaasoo ka dhacay caasimada Turkiga ee Istanbul inay ahayd xusuustiisa ugu fiican ee kubada cagta inta uu ku gudi jiray xirfadiisa ciyaareed.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close