Liverpool oo usoo Baxday Wareega Bug-baxda Champions League Kaddib Guul Dirqi ah oo ay ka gaareen Napoli iyo Inter oo ka hartay tartanka

( Champ’ League ) 11 Dis 2018. Liverpool ayaa cayaar adag kaga soo baxday Napoli markii ay uga badiyeen 1-0.

Goolka ay guusha ku gaartay kooxda Klopp ayaa dheshay qeybta hore dheesha waxaana u dhaliyay Maxamed Saalax.

Dhawr fursadood oo halis ahaa ayaa soo maray Liverpool laakiin uma suura galin iney dhaliyaan goolal badan.

Dhammaadka kullanka waxaa fursad isag iyo goolka ah qasaariyay Sadio Mane oo banaanka goolka mariyay kubbad uu goolhayah ula tagay.

Dhanka kale Tottenham ayaa xaqiijisatay wareega 16-ka markii bar-baro 1-1 ay la gashay Barcelona.

Goolka kowaad waxaa hogaanka u qabatay Barca waxaana markii 7-daqiiqo kaliya socotay cayaarta u dhaliyay Ousmane Dembele.

Laakiin dhammaadka kullanka ayay Spurs la timid goolka soo celiyay rajadooda tartanka waxaana daqiiqadii 85-aad u dhaliyay Lucas Moura.

Ugu dambeyn naadiga Inter ayay u suura gali weysay iney gaaro wareega Bug-baxda markii ay bareejo la gashay PSV Eindhoven.

Inta badan kullanka ayaa lagu hor kacayay Nerazzurri 1-0 waxaan ugu shubay laacibka Eindhoven balse 76-daqiiqo waxaa u barbareeyay Mauro Icardi laakiin bareejadaa ayay ku hartay Inter oo u dhacday koobka Europe League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close